Ternary Operator

Wa maxey Ternary Operator ? Ternary Operator ama Conditional wa qaab kale oo hubin/check loo sameeyo. 

Horey waxaan uso baraney if statement oo aan isticmaalney marar badan oon hubin sameeney, midaan iyadane wa lamid waxa ey ooga duwan tahay wa hab qoraalka.

 

Syntax
				
					conditon ? "Hadii condition TRUE noqdo" : "Hadii condition FALSE noqdo";

				
			

Conditional Operator iyo if statement labaduba waala isticmaala, waxa kaliya eyku kala duwan yihiin conditional wa syntax sugar oo micnaheedu tahay wa eyka fududahay hab qoraalka.

Programming ka waxaa jiro wadooyin badan oo aad ku xalin karto hal problem, Tusaalahan hoose waxaan iskula arki doona sida aan u sameen laheen program yar oo check ku sameenayo da’da/age, waxaana isticmaali doona if statement iyo ternary.

				
					const age = 19;

// Anagaoo isticmaaleyno if statement
if(age > 15){
  console.log("Waxaa tahay qaan-gaar")
}
else{
  console.log("Wali ma aadan qaan-gaarin")
}

// Anagaoo isticmaaleyno Ternary Operator
age > 15 ? console.log("Waxaa tahay qaan-gaar") : console.log("Wali ma aadan qaan-gaarin")




				
			

Aqrinte waxaan rajeenaya inaad wax badan ka faaidey qormadaan.

Next Lesson >

Share