Boolean logic

Boolean Logic

Wa maxey Boolean Logic? wa qeyb kamid ah computer programming ka waxeyna so saaraan natiijo maya/false ama haa/true.

Dhamaan luuqada programming ka wa ey ka mideysan yihiin is ticmaalka Boolean Logic.

Boolean logics wa ey badan yihin waxa kamid ah ka-ween >, ka-yar < , ama ||, iyo &&, maya !, ka-ween mise la-eg >=, ka-yar mise la-eg <=.

Dhamantod waxa ey so saaraan natiijo true ama false ah.

 

Ka-ween > 

Operator kan wuxu so saara true hadii labada shey ee la is bar-bar dhigayo uu ween-yahay midka hore, hadii midka hore uu weynan waayane false aya so baxeyso.

Tusaale
				
					console.log(4 > 2); // true
				
			

Tusaalahan kore waxan weydiiney hadii number 4 uuka ween-yahay number 2 waxaana so bixi doonto haa/true sababtoo ah 4 wa eyka ween tahay number 2.

 

Ka-yar <

Operator kan wuxu so saaraa true hadii labada shey ee la is bar-bar dhigayo u yar-yahay midka hore.

Tusaale
				
					console.log(2 < 4); // true
				
			

Tusaalahan kore waxan weydiiney hadii number 2 uuka yar-yahay number 4 waxaana so bixi doonto haa/true sababtoo ah 2 wa eyka yar-tahay number 4.

 

Ama ||

Operator kan waxa uu u so saaraa true hadii labada shey ee la is bar-bar dhigayo midkood uu true yahay, hadii labaduba ey false noqdaan Operator kan isagane false ayu so saaraya.

Tusaale
				
					console.log(2 > 1 || 3 < 2); // true
				
			

Tusaalahan kore waxan marka hore is bar-bar dhig ku sameeney hadii number 2 uuka ween-yahay number 1 waxana halkas kaso baxdey haa/true, kadib waxan dhahney ama [ || ] number 3 hadii uuka yar-yahay number 2 lkn meshan waxa kaso baxdey natiijo maya/false wayo 3 kama yaro 2, inkastoo ey false so baxdey hadane natiijada ogu dambeyso ee so bixi donto waxey noqoneysa true waayo || Operator waxey fiirineysa hadii midkood uu true yahay, midka true so saareyne wa 2>1.

 

Iyo  &&

Operator kan waxa uu so saaraa true hadii labada shey ee la is bar-bardhigayo ey labaduba true noqdaan.

Tusaale
				
					console.log(2 > 1 && 1 < 2); //true
				
			

Tusaalahan kore waxa uu so saaraya true sababtoo ah 2 wa eyka ween-tahay 1, sidokale 1 wa uu ka yar-yahay 2.

 

Maya !

Operator kan wa uuka duwan yahay kuwa kale waayo waxa uu u shaqeeya, hadii marka hore natijada ey true tahay waxa uu u badalaya false, hadii false ey eheedne true.

Tusaale
				
					console.log(!2 > 1);
				
			

Tusaalahan kore marki hore natiijadii la filaayey waxey eheed true sababto ah 2 wa eyka-ween tahay 1, lkn waxaa badaley calaamada maya/NOT ! ee ka horeyso number 2, sidaas owgeed ayeyna false uso bixi doontaa.

 

Aqriste waxaan rajeenaya inaad qormadan Boolean Logic wax badan aad ka fahantey.

Next lesson >

Share