Switch Statement

Wa maxey Switch Statement ? Wa qaabkale oo aad decision/go’aan u gaari karto, waxa eyna lamid tahay if else

Luuqadaha programming ka badankoda wa ey leeyihin Switch statement.

 

Syntax/Sida lo qoro 
				
					switch(variable){
  case 1:
    // action, hadii case 1 true noqdo
  break;
  case 2:
    // action, hadii case 2 true noqdo
  break;
  default:
    // action, hadii dhamaan cases ka false noqdo
    }
				
			

 

Si aan iskula fahano sida ey u shaqeyso Switch Statement aan isla aragno tusaalahan hoose.

kawaran hadii aad shaqeyso Sabti ilaa Qamiis ama aad wax barato, waxaadne rabtaa inaad sameyso Program ku sheegayo maalinta aad shaqo leedahay ama aad wax baraneyso iyo maalinta nasaneysid.

 

Maanta wa maalintee? 
				
					const day = "Jimco";
switch (day) {
  case "Sabti":
    console.log("Maalin shaqo");
    break;
  case "Axad":
    console.log("Maalin shaqo");
    break;
  case "Isniin":
    console.log("Maalin shaqo");
    break;
  case "Talaado":
    console.log("Maalin shaqo");
    break;
  case "Arbaco":
    console.log("Maalin shaqo");
    break;
  case "Qamiis":
    console.log("Maalin Nasiino");
    break;
  case "Jimco":
    console.log("Maalin Nasiino");
    break;
  default:
    console.log("Unkown");
}

				
			

Qeebtan kore waxaan baareyna maalinta isbuuca, waxaana rabnaa inaan so saarno maalintas hadii maalin shaqo ey tahay ama maalin nasiino.

Variable day waxaa u inoo hayaa hadba maalintii la joogo, Tusaale hada waxaan ku shubney “Jimco”, sida caadiga ah jimco maalin shaqo ma ahan, sidaas darteed waxaa true noqon doono ama so bixi doonto cases_ka case_ka ogu dambeeyo, “Maalin Nasiino” .

Sidokale hadii aad ku shubto maalin aana sax eheen variable day yacni maalin aana isbuuca kamid eheen waxa so bixi doonto “Unkown” sababtoo ah dhamaan cases_ki wa ey garan waayeen waxa ku jiro day variable.

Aqriste sidokale wa inaad ogaata Switch Statement ma sameyso wax type-coercion ah. Sidokale Switch Statement wa Case sensitive.

 

Wa maxey Case sensitive ?

Sabti” iyo “sabti” isku mid ma ahan markii la joogo javaScript Case sensitive sidaas ayaa laga wadaa.

 

Tusaale
				
					const day = "sabti"; // xarifka ogu horeeyo wa u yar-yahay
switch (day) {
  case "Sabti":
    console.log("Maalin shaqo");
    break;
  //  .........
  default:
    console.log("Unkown");
}

				
			

Tusaalahan kore waxaa so bixi doonto “Unkown“.

Aqriste waxaan rajeenayaa inaad wax badan ka faaidey qormadaan.

Next Lesson >

Share