Taking Decisions

Wa maxey Taking Decisions ? taking decisions wa inad go’aan gaarto hadii xaaladaha qaarkod aad aragto. Ama sikale hadaan u dhigo ficil ayaad rabtaa inad sameyo hadii aad hesho lacag, si ficilkaas aad u sameyo kow wa inaad lacag heshaa markad lacag hesho oo ah condition_ka kaa hor taagan inad waxaad rabtid sameyso kadib ayaad sameen kartaa wixi aad rabtey.

Programming ka dhamaatiis waxa uu leyahay waxa loo yaqaano taking decisions / go’aan gaarid.

Tusaalahan hoose waxaan ku hubineyna hadii age/da’da eyka ween tahay 15 waxan so saareyna in qof qaan-gaar ah uu yahay, hadii age/da’da eyka yartahay 15 in qofkaan yahay qof aana wali qaan-gaarin.

Tusaale
				
					const age = 16;
if(age < 15){
  console.log("Qaan-gaar matihid")
}
else{
 console.log("Waxaa tahay Qaan-gaar") //qoraalkan ayaa la run gareen doona.
}
				
			
if hadii age/da’da < eyka yartahay 15 waxad so saarta qaan-gaar ma tihid. hadii kale waxaa tahay qaan-gaar.
 

Sidokale waxaan ogaan karnaa hadii qofkan age/da’diisu ey tahay 15 ilaa 20 jir.

				
					const age = 18;
if(age >= 15 && age <=20){
  console.log(`Waxaa jirtaa ${age}`);
}
else{
  console.log("Sorry! da'dii larabey ma tihid.")
}
				
			

Aqriste ogow hada waxaan checking ku sameeneyna hadii da’da ey u dhaxeyso 15 ilaa 20, waxaana isticmaaleyna && operator oo aan horey uso qaadaney. && operator wa in labada condition ey true noqdaan. Yacni wa in da’da eyka weynaataa ama la ekataa 15 isla markaana da’da eyka yaraataa ama la ekataa 20, kadib ba waxaa so baxayo qoraalkan waxaad jirtaa 18.

Next lesson >

Share