Strict Mode

Wa maxey Strict mode ? wa mode ama xaalad ku suura galineyso inaad qorto code ama program secure ah yacni adag.

Si aad u active gareyso wa inaad qeebta ogu koreyso ee file ka javaScript aad ku qortaa “use strict” oo ah strict mode isticmaal.

Tusaale
				
					"use strict";
//Dhamaan code ka file kan ku qoran wa strict
//Rest of the code ....
				
			

 

Si aan iskula aragno kala duwanaanta strict mode iyo sloppy mode oo laga wado marka aadan isticmaaleen strict, bal aan isla fiirino waxey ku kala duwan yihiin.

Sloppy mode / NO strict mode

index.js

				
					let isPresent = false;
const check = true;

if (check) isPresentt = true;
if (isPresent) console.log("Good boy!");
				
			

Waxaa jiro ardey kamid ah ardeyda school ka inta badan school maso xaadiro, Tusaalahan kore waxaan rabnaa inaan ogaano hadii ardeygas uu present/joogo yahay iyo hadii kale.

Line waxaan dhahney ardeygi ma jogo variable isPresent waxaan ka dhigney false oo la micno ah ma joogo, kadib hubin/check ba la sameeyey inu jogo ardeygi ayaana so baxdey, line waxaa la diwaan galiyey inu ardeygi joogo LKN si qalad ah ayaan u qorney variable isPresent oo waxan ka dhigney isPresentt, Line 5 waxaan dhahney hadii isPresent ey true tahay micnaha hadii ardeygii uu joogo waxaad so saarta “Good boy!”

Labo arimood wa inaad ogaata horta marka hore qoraalka “Good boy!” maso bixi doono, Marka labaad wax Error ah oo ku sheegayo sababta qoraalka uu uso bixi la yahay ma arki doontid. Waxaana sababey sloppy mode. 

 

strict mode

index.js

				
					"use strict";

let isPresent = false;
const check = true;

if (check) isPresentt = true;
if (isPresent) console.log("Good boy!");
				
			

hadii aad run gareysid code kan waxaa kuso baxayo Error ReferenceError: isPresentt is not defined oo ku sheegayo in uu jiro qalad iyo walibo meesha uuka jiro.

Aqriste waxaan rajeenaya inaad fahantey strict mode iyo Sloppy mode kala duwanaanta u dhaxeyso.

Next Lesson >

Share